Home Wararka Maanta Alshabaab oo Soo Bandhigtay Maydadka Iyo Hubkii Shalay ay Ku Qabsadeen Ceelbaraf(Sawiro)

Alshabaab oo Soo Bandhigtay Maydadka Iyo Hubkii Shalay ay Ku Qabsadeen Ceelbaraf(Sawiro)

0

Kooxda Al Shabaab ayaa baahisay muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday weerar culus oo shalay subax ku qaadeen saldhig ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf ee hoostaga degmada Mahadaay ee goolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan ayaa Al Shabaab ugu suurto gashay in ay ku qabsadaan saldhiga ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf, waxa ayna halkaasi ku dileen askar ay ku sheegeen in ay ka badan yihiin 173 askari.

Warbaahinta Al Shabaab ayaana lagu baahiyay sawirro laga soo qaaday meydadka askartii laga dilay ciidamada ATMIS iyo sidoo kale gaadiidka ciidamada iyo xerada oo waxyeelo xoogan gaarsiiyeen.

Al Shabaab ayaana markii xerada ka qaateen hub iyo agabyo kale oo ciidan u fasaxay shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel-Baraf in ay qaataan raashinka iyo agabyo kale oo ay lahaayeen ciidamada ATMIS ee laga qabsaday xerada.

Ciidamada ATMIS ayaa dib ula wareegay saldhigii ay ku lahaayeen Ceel-Baraf kaddib markii ay ka baxeen Shabaabkii qabsaday, walina ma shaacin Taliska ATMIS khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleWararka ugu Danbeeyay Duulaanka Ruushka ee Ukraine 4 May
Next articleMidowga Afrika oo War kulul Kasoo Saaray weerarkii ay Al Shabaab Cagta ku mariyeen Xerada ATMIS ee Ceel-baraf