Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeeday mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo ku billowday qaraxyo kadibna uu xigay dagaal ay gudaha ku galeen maleeshiyadaas.
Ninkaan ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, oo laga duubay kahor inta ay maleeshiyada weerarka kusoo qaadin xarunta ayaa wuxuu ku sheegay inuu ku dhashay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu kasoo jeedo beesha Daa’uud ee Abgaal, oo ah beesha uu sidoo kale ka dhashay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.
Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka ku socda ee lagu gaarsiiyay jabka xoogan, uusan wax ka badali doonin beegsiga madaxda iyo masuuliyiinta dowladda, sida uu hadalka u dhigay.
22-kii bishaan ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda.
Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.