Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Shaacisay Qabiilka Ninkii Fuliyay Weerarkii Labaad ee Baladweyne

Alshabaab oo Shaacisay Qabiilka Ninkii Fuliyay Weerarkii Labaad ee Baladweyne

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qarixii labaad ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Hadal dardaaran ah oo laga duubay ninkaan ka hor inta uusan fulin weerarka oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lala beegsaday dhaawacyada ka dhashay qarixii koowaad ee ka dhacay xarada Lamagalaay ee lagu dilay xildhibaan Aamina ayaa magaciisa ku sheegay Maxamed Nuur Aadan Cali (Khaalid Yare), da’diisuna tahay 23.

Khaalid ayaa sidoo kale ku sheegay wareysiga laga duubay inuu kasoo jeedo Beesha Dabarre, gaar ahaan Jufada Gaashmuuge, isla-markaana uu ku dhashay deegaanka Kurtun oo ka tirsan degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu markii hore ka tirsanaa garabka loo yaqaano Jeyshka, ka hor inta aanu ku biirin kooxda ismiidaamiyeyaasha ah.

Waxaa Maxamed Nuur Aadan Cali (Khaalid Yare) ka horreeyey Maxamuud Cabdulqaadir oo ahaa wiil 25-sano jir ah, kaas oo isku qarxiyey Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed, sida ay baahisay kooxda Al-Shabaab oo sii deysay cod laga duubay ninkaasi.

Sida uu codka la baahiyey ku sheegayo Maxamuud ayaa ka dhashay beesha Mareexaan, wuxuuna ka sii ahaa Jufada Cali-Dheere.

Qaraxyadaan oo dhacay 23-kii bishaan March ayaa qal-qal xoogan ka abuuray magaalada Beledweyne, waxaana ku dhintay illaa 48 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 108 kale, oo isugu jiray musharixiin xil doon ah, odayaal dhaqameed, askar iyo dad kale oo shacab ah

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleP.M Rooble iyo Axmed Madoobe oo Go,aan Culus Ka Qaatay 16kii Kursi ee Garbahaareey
Next articleShiikh Umul oo Sheegay inay Alshabaab Diyaariyeen Qofkii Dili lahaa