Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxay ku soo qabteen gaadiid looga shakiyey inuu sahay u siday Al-Shabaab.
Ciidanka Qaranka sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa iyo shan ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay saraakiishu u xaqiijiyeen mudug24.
Sidoo kale ciidanka ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca xamuulka qaada ah oo loo yaqaano BG, kaas oo la sheegay ama looga shakiyey inuu saanad ciidan, sahay raashin iyo shidaal ah u sido kooxda Al-Shabaab.
Xildhibaan Xusul oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan gaadiidka iyo ragga la qabtay, isla markaana ay dib bulshada ula soo wadaagi doonaan wixii ka soo baxa baaritaanka.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa u tacsiyeeyey odayaashii ay maalin ka hor Al-Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Mesagawaa ee gobolka Galgaduud, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in kooxdu ay mar kasta disho dadka birimageydada ah.