Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Markale Xoog looga Saaray Degaano Hoostaga Matabaan(Sawiro)

Alshabaab oo Markale Xoog looga Saaray Degaano Hoostaga Matabaan(Sawiro)

0

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27aad oo ay wehliyaan ciidamo katirsan Hirshabelle iyo maleeshiyo beeleed ,ayaa la wareegay deegaanka Hees oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada huwanta ah ayaa weeraray deegaanka oo Al Shabaab saldhig ku lahaayeen, waxaana ugu dambeyn ciidanka halkaasi kala wareegeen dagaalyahanadii joogtay.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in Al Shabaab ku jabiyeen deegaankaasi kalana wareegeen saldhigii ay lahaayeen, waxa ayna saraakiisha xuseen in ay kudaba jiraan firxadka kooxdii halkaasi ku sugneed.

Ciidamada huwanta ah ay horkacayaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo balaaran kawaday deegaano hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Howlgalka ayaana inta uu socday ciidamada kula wareegeen deegaano dhoor ah oo horey Al Shabaab ugu sugnaayeen, waxaana howlgalka intii uu socday ciidamada labada dhinac soo kala gaaray khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ad
Previous articleRaila Odinga oo Wax lala yaabay ka Horsameeyey Maxkamada Sare ee Kenya Dacwadna Gudbiyay(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Galmudug oo si weyn Loogu soo dhaweeyay Deegaanka Qudus ee Galmudug (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here