Home Wararka Maanta Alshabaab oo Markale Gudaha ugalay Itoobiya

Alshabaab oo Markale Gudaha ugalay Itoobiya

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa mar kale lagu eedeeyey inay ku lug leedahay weeraro dad badan lagu laayey oo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay jabhadda Oromada ee OLA iyo kooxda Al-Shabaab rabshado ay dad badan ku dhinteen oo sababay in la xiro ku dhawaad 1,000 iskuul oo ku yaalla gobolka, sida ay sheegtay warbaahinta Fana.

Gobolka, oo ay ku nool yihiin qowmiyadda ugu weyn Itoobiya ee Oromada, ayaa waxaa soo maray rabshado muddo sanado ah oo weli socda.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Oromiya Awelu Cabdi ayaa Fana u sheegay in OLA, Al-Shabaab iyo maleeshiyo Amxaaro ah oo loo yaqaano Fano ay ka dambeeyaan rabshadaha.

Wuxuu ku eedeeyay kooxahaasi inay laayeen dad shacab ah, wuxuuna sheegay in maamulku uu qaadayo tallaabooyin lagu nabadeynayo gobolka.

Gudiga xuquuqul insaanka ee ay dawladu magacawday ayaa todobaadkan sheegay in in ka badan 50 qof lagu dilay intii u dhaxaysay 2 ilaa 4 February weerar ay fallaago ku qaadeen xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taal galbeedka Oromia.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fulin dalka Itoobiya, hase yeeshee waxay bishii July ee sanadkii tegay ku qaaday weerar naadir ah oo ay ku gashay gobolka Soomaalida.

Dagaal toddobaadyo socday kadib ayaa Al-Shabaab ugu dambeyn laga soo saaray dalkaas, hase yeeshee kooxda ayaa sheegatay inay dishay boqolaal askari, halka Itoobiya sheegatay in Al-Shabaab ka dishay boqolaal mintidiin ah, kuwa kalena qabatay.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleKenya Oo Dil ugaysatay Al-Shabaab Qaraxyo Wado Ku Aasaysay
Next articleWasiir Axmed Xasan oo kulan Arrimo muhiim looga hadlay la qaatay Dhigiisa Talyaaniga (Sawirro)