Home Wararka Maanta Alshabaab oo Markale Afduub Ka Gaystay Gobalka Hiiraan

Alshabaab oo Markale Afduub Ka Gaystay Gobalka Hiiraan

0

Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay kooxda Al-Shabaab afduubteen dad badan oo shacab ah, kuwaas oo ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Dadkaan ayaa maanta laga afduubtay deegaanada Camaloow, Helabacaad iyo Sugoow oo hoos taga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanadaan waxay u dhowyihiin wabiga Shabeelle.

Kooxda afduubatay dadkaas waxaa la sheegay inay ka soo talaabeen wabiga Shabeelle, waxaana dadkaan intooda badan laga watay guryahooda.

Dadka la afduubtay oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa la sheegay inay isugu jiraan xoolo dhaqato iyo beeraley, waxayna Al-Shabaab la aadeen dhinaca galbeed ee gobolka Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku xooggan galbeedka gobolka Hiiraan, maadaama uu gobolkaas kala baro wabiga Shabeelle oo bari iyo galbeed u kala qeybiya.

Al-Shabaab ayaa toos u ugaarsata dadka u dhashay beesha Xawaadle oo dagaal adag la gashay kooxda, waxayna isugu dartaa dil iyo afduub, si beesha loogu cadaadiyo inay ka baxdo dagaalka Al-Shabaab.

Inta badan dhulka ay gobolka Hiiraan ka degto beesha Xawaadle ayaa laga saaray Al-Shabaab, balse weli kooxdu waxay wadaa cadaadis ka dhan ah beesha, si dagaalka kala dhexeeya ay xal ugu hesho.

Tobanaan qof oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa u afduuban Al-Shabaab, dadkaas intooda badan waxaa la xaqiijiyey in lagu haayo deegaano dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo Al-Shabaab ay weli ku xooggan yihiin.

Beesha Xawaadle ayaa furo u noqotay gulufka dagaal ee dalka uga socda Al-Shabaab, kaas oo la saadaalinayo in sanado ama bilo kadib uu horseedi doono in saaxada laga tir-tiro kooxda Al-Shabaab

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleNin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan(Sawiro)
Next articleNin Qoyskiisa 66 Sano Xanaaq uga Maqnaa Oo Dib usoo laabtay(Sawiro)