Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Laga Saaray Degaan Cadcadeey

Alshabaab oo Laga Saaray Degaan Cadcadeey

0

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta kooxaha Alshabaab  kala wareegay deeggaanka Cadcadeey oo hoostagga magaaladda Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha dhaxe oo in muddo ah dadka shacab ah ku dhibaateeynayeen.

Gen. Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanka xoogga saakay ay gudaha u galeen deegaanka Cad-Cadeey iyada oo  Shabaabna ay isaga carareen.

Shacabka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciidanka xoogga dalka iyo dadka isu abaabulay in ay iska dulqaadaan kooxaha Khawaarijta waxaana hadda ciidanka ay ku daba jiraan firxadka alshabaab.

Ad