Home Wararka Maanta Alshabaab oo la Sheegay inay Ka danbeeyaan Dagaal Beeleedyada Kasocda Dalka

Alshabaab oo la Sheegay inay Ka danbeeyaan Dagaal Beeleedyada Kasocda Dalka

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay kooxda Al Shabaab in ay ka dambeeyaan dagaal beeleedyada ka dhaca gobolada qaar, kuwaa oo ay tilmaameen in Al Shabaab dhaqaale badan ku bixiyaan hurinta colaadaasi.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab dhaqaale ku bixiyaan in colaad beeleedyo laga huriyo deegaannada laga xoreeyo.

Waxa uuna sheegay wasiirka in ujeedka ugu weyn ee kooxda Al Shabaab ka leedahay hurinta colaad beeleedyada in ay tahay sidii looga mashquuli lahaa, waxa uuna uga digay dadka Soomaaliyeed colaada ay kooxdaasi beelaha dhaxdooda ka hurinayaan.

“Shabaab mashuruuc waxay ka dhigteen inay lacag ku bixiyaan qabaa’iladda sidii ay isugu diri lahaayeen inta iyaga lagu mashquuli lahaa ayay rabaa in colaadda lagu mashquulo” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Wasiirka ayaa sheegay in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay howlgalada ka socda gobolada Shabeelaha DHaxe iyo Galgaduud, waxa uuna sheegay in kooxdaasi ka bilaabeen labadaasi gobol hurinta colaad beeleedyo si dagaalkooda looga mashquulo.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Reer Falastiin Gargaar u Diraysa
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Cali jayte u Magcaabay Xilsare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here