Home Wararka Maanta Alshabaab oo Kordhisay Habka ay lacagaha uga Qaadan jirtay Ganacsatada Soomaaliya Xili...

Alshabaab oo Kordhisay Habka ay lacagaha uga Qaadan jirtay Ganacsatada Soomaaliya Xili DF xayiraasd kusoo rogtay

0

Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab haatan ay billowday inay kordhiso dakhligeeda gudaha ee ay ka hesho qaadista canshuuraha guryaha lagu soo rogo iyo dhismayaasha kala duwan, kadib tallaabooyinkii u dambeeyey ee ay qaaday dowladda dhexe oo ku dhowaaqday dagaal dhaqaale.

Khubaro ka tirsan QM ayaa shaaca ka qaaday in haatan kooxda ay raadineyso dhaqaale fara badan oo ay siiso dagaalyahaneeda oo haatan wajahaya dagaallo culus oo ka socdo dalka.

Warbixintan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab ay sameysteen xarumo cusub oo ka baxsan meelihii soo jireenka ah ee ay ku qaadi jireen lacagaha canshuuraha iyo  Zakawaatka.

QM ayaa sheegtay in weli Shabaab ay awood u leedahay in ay lacag u xawisho bangiyada gudaha iyo kuwa dibadda, ayada oo jirto in dowlada Soomaaliya ay xayirtay akoono ay leedahay kooxdu.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu wareystay haweeney Soomaaliyeed oo magaceeda la qariyey sababo amni darteed, taas oo sheegtay in Al-Shabaab ay la soo xiriirtay, kana dalbatay inay bixiso lacag dhan $425, taas loogu sheegay canshuurta guri ay ka iibsatay magaalada Muqdisho.

Haweeneyda ayaa intaasi ku dartay in markii hore taleefan laga soo wacay, kadibna looga yeeray maxkamad Al-Shabaab ay ku leedahay duleedka Muqdisho, sida ay hadalka u dhigtay.

Warbixintan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan Al-Shabaab oo ay horkaceyso dowladda dhexe oo kaashaneyso dadka deegaanka, waxaana sidoo kale barbar socda dagaal kale oo  dhaqaalaha looga cuuryaaminayo kooxda, sida ay sheegtay dowladdu.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Maantay kala diray Golaha Dhaqaalaha Qaranka kuwa Cusubna Magacaabay
Next articleCiidamada Soomaaliya oo 100 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay Dagaal ka dhacay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here