Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Alshabaab oo Hal Goob ku Dilay Taliyayaashaan oo Katirsanaa Xooga Dalka

Alshabaab oo Hal Goob ku Dilay Taliyayaashaan oo Katirsanaa Xooga Dalka

0

Taliyaha guutada 8-aad ee ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad G/sare Maxamed Dheere iyo Takiyaal u Hogaaminaayay  ayaa ku  qarax miino oo ay Alshabaab ku aaseen dhulka miyiga ah ee hoos yimaada Bardaale,sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Taliyaha ayaa hoggaaminayay howlgallo waddo furis ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka wadaan halkaas, kuwaas oo uu ujeedkoodu yahay in la isku furo gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Taliyayaasha Geeriyooday ayaa Kala Ahaa:

1- Taliye Mad Dheere Taliyihii Guutada 8aad
2- Taliye Afcadeey
3- Taliye Ciise Kusow
4- Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor Abdisalan Haji oo isna ka mid ahaa Saraakiisha qeybta 60aad.

 

Ad
Previous articleWeeraryahankii Arsenal iyo Everton Campbell oo geeriyooday
Next articleXasan Shiikh oo Codsi U diray Dadka Baraha Bulshada Ka Dhaliila

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here