Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Gubay Diyaaradii Hubka Siday ee Galabtay U Gacan Gashay

Alshabaab oo Gubay Diyaaradii Hubka Siday ee Galabtay U Gacan Gashay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobe iyo shaqaale la socday oo u gacan galay kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradda oo si khaldan ugu degtay deegaan ay maamusho kooxda, ayaa waxaa hadda la sheegay inay Al-Shabaab gubtay diyaaradda, ayna wadatay dadkii saarna oo iskugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen in kooxda ay gubtay diyaaradda.

“Masuuliyiin saaxiibo ah oo isla joogno ayaa hadda agteyda ku wareysanayeen dadka meesha jooga, diyaaradii inay gubeena wey u xaqiijiyeen oo dadkii saarna ay wateen ayey u xaqiijiyeen,” ayuu yiri guddoomiye Faarax Diiriye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga howl-gali lahaa sidii loo soo badbaadin lahaa shaqaalaha ay kooxda afduubatay, “Tallaabada xigta dadka cadowga afduubtay sidii loo soo badbaadin lahaa, sidii xogtooda loo heli lahaa iyo meeshay ku sugan yihiin ayaa xigta.”

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku degtay degaan u dhow degaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud, oo ay maamusho kooxda Al-Shabaab, waxaana soo baxaysa in diyaaradda ay halkaas uga degtay cilad farsamo oo qasabtay, taasi oo keentay inay sameyso degitaan aan horey loo qorsheyn.

Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Beledweyne waxayna kusii jeeday degaanka Wisil ee gobolka Mudug, sida uu sheegay wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo ku sugan degaanka Wisil.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in diyaaradda ay sidday dawo, islamarkaana cilad ku timid ay sababtay inay si deg deg ah ugu degto degaanka Xiindheere.

Waxa kale oo uu sheegay in toddobada qof ee saarnaa diyaaradda, lix ka mid ah loo maleynayo inay yihiin ajaanib, halka qof kale uu yahay Soomaali. Waxa uu sheegay inay weli baarayaan xaqiiqda dhabta ah ee dhacdadan.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Diyaarad Hub iyo Daawo u Siday Wisil oo Gacanta u gashay Alshabaab
Next articleFaahfaahin ka soo baxaysa Helikobtar u gacan gashay Al Shabaab oo ay ajnabi la socdeen iyo Qaar kamid ah dadkii Diyaarada Saarnaa oo Baxsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here