Home Wararka Maanta Alshabaab oo Gaadiid Farabadan ku Qaatay Dagaalkii Xawaadleey iyo Dhimashada Farabadan oo...

Alshabaab oo Gaadiid Farabadan ku Qaatay Dagaalkii Xawaadleey iyo Dhimashada Farabadan oo Ka Dhashay Dagaalkaas

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar culus oo kooxda Shabaab ay saaka ku qaaday saldhig ay ciidamada milatariga ku lahaayeen deegaanka Xawaadley oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Weerarka oo ku bilowday ilaa Afar qarax oo Ismiidaamin ah ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo socday mudo ku dhow saacad, iyadoo kooxdii weerarka soo qaaday ay la wareegtay xerada oo eheyd talis weyn oo laga ilaaliyo Shabaabka isaga kala gudba buundada Xawaadleey.

Shabaab ayaa lagu soo waramayaa iney xerada ku gubeen gaadiid fara badan oo dagaal oo ay xerada ugu tageen, iyagoo hore u qaatay hub fara badan, sida ay kusoo waramayaan dadka goob joogayaasha ah.

Ciidamo gurmad ah oo tagay deegaanka la weeraray ayaa haatan wada tira koobka meydadka Shabaab ay dileen, si aas wadareed loogu sameeyo.

Ad
Previous articleWarar kii Ugu Danbeey Weerarkii Alshabaab ku Qaadeen Xawaadleey iyo Taliyihii Qaybta 3aad oo ku Dhintay
Next articleMuhiimada Magaalada Xarardheere uu Leedahay Galmudug oo Alshabaab Shalay Laga Qabsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here