Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay xubnaha Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kaas oo khasaare dhaliyay.
Sarkaalkan oo u warramay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen deegaano dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, ayna wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan.
“Saaka aroortii ah ayaa waxaa dhaq-dhaqaaq xoogan nimankii cadowga ahaa ay ka bilaabeen dhammaan galbeedka gobolka Hiiraan” ayuu yiri taliyuhu.
Sababta waxa uu ku sheegay xeelad dagaal iyo ciidamadu inay arkeen Al-Shabaab badan oo kusoo socda magaalada.
“Nin yahow deegaanka Ceel Cadde Al-Shabaab ayaa qabsaday ciidankeenana hadda waa ku howlan yihiin in ay dib uga saaraan” ayuu sii raaciyay.
“Ciidankeena xeelad dagaal ayay sameeyeen dib u gurasho ayayna uga soo baxeen deegaanka, haddana waxaan rajeyneynaa in laga saaro” ayuu mar kale yiri.
Hiiraan ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay Al-Shabaab, inkastoo ay weli ay gobolkan ku hardamayaan maleeshiyada kooxda iyo ciidamada Soomaaliya.