Home Wararka Maanta Alshabaab oo Deegaano Hor leh Saakay Laga Saaray

Alshabaab oo Deegaano Hor leh Saakay Laga Saaray

0
Hawlgal qorshaysan oo ay saaka sameeyeen ciidan ka tirsan guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayey ayey sheegeen iney al-shabaab kaga saareen degaanada Rasdaay, Feytaan, Sadex-aqal iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Deegaanadaas ayey qaarkood imaan jireen al-shabaab, halka kuwa kalena ay u ahaayeen fariisimo ay ka soo abaabulaan weerarada sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Xidigle Daahir Axmed Cali taliye horinka 1-aad, ururka 25-aad, guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka ayaa sheegay in hawlgalkan ay saaka qaadeen uu u dhacay sidii loo qorsheeyey ayna sii wadayaan baacsiga al-shabaab

“Ma tabar badna balse inay dadka ku dhibaan ayey meelahaas u yimaadaan, qorshaheenu wuxuu yahay in meel kasta oo nimankaas [Khawaarijta] lagu sheego inaan tagno, shaqadeenuna waa intaas ” ayuu yiri xidigle Daahir.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada DF dalka kaga saarayaan Al-shabaab, kaas oo ka socda gobolada ay kooxdu wali dalka uga harsantahay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Xiliga Dootashada Puntland Dhacayso
Next articleTaliye Mahad Salaad oo Gaaray Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here