Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dagaal Culus Kadib Laga saaray Saldhigwayn oo Ay lahaayeen

Alshabaab oo Dagaal Culus Kadib Laga saaray Saldhigwayn oo Ay lahaayeen

0

Ciidanka milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Qunbi oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa sheegay in deegaanka Qunbi Al Shabaab ku lahaayeen saldhig weyn oo milatari, waxa ayna saraakiisha sheegeen in Al Shabaab deegaankaasi jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Ciidanka deegaanka la wareegay oo ka baxay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa saraakiisha hoggaamineysa sidoo kale sheegeen in Al Shabaab kasoo furteen hub iyo saanad ciidan kale oo ay uga carareen deegaanka Qunbi.

Deegaankan ciidamada la wareegeen iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw ayaa waxaa ka socda howlgalo ay wadaan ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegay in ay sii baacsanayaan Al Shabaab.

Ad
Previous articleIn ka badan 5,000 oo haween Ruush ah oo uur leh oo galay Argentina bilihii la soo dhaafay maxay ka doonayaan?
Next article7 Askari oo ka Tirsan Milateriga oo Lagu Xukumay Dil Toogasha ah Fulaynimo Darteed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here