Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Ceeldheer looga Dilay inka badan 100 Askari iyo Maydad lasoo...

Alshabaab oo Ceeldheer looga Dilay inka badan 100 Askari iyo Maydad lasoo Bandhigay( Sawiro)

0

Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in howlgal qorsheesan oo ciidanka dowladda ka fuliyeen deegaanka Ceeldheere ee kuyaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe lagu dilay in ka badan 100-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta  Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaalad oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ciidanka NISA noo gacan ka helaya kuwa caalami ah weerar cir iyo dhul isugu jiray ku qaadeen deegaanka Ceeldheere.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidamada huwanta ah halkaasi ku dileen in ka badan 100 dagaalame oo katirsan Al Shabaab , waxa uuna xusay in raga la dilay in ay ku jiraan saraakiil sar sare oo hoggaamineysay xooggaga Al Shabaab.

Al Cadaalada ayaa sheegay in ciidamada heleen xogta dagaalyahanada Al Shabaab oo goobtaasi isku aruursanayay, waxa uuna cadeeyay in ciidamada howlgalkaasi kusoo furteen hub badan iyo gaadiid dagaal.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka wadaan howlgal ay kusii baacsanayaan firxadka dagaalyahanada Al Shabaab ee ka cararay deegaanka Ceeldheere.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo tegay difaacyada ciidamada ee SHabeelada Dhexe (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Xariga ka jaray Dhismaha Isbitaalka cusub Sheekh Axmed Gabyoow(Sawirro)