Home Wararka Maanta Alshabaab oo Baahisay Qabiilka ninkii labaad ee Weeraray Xerada Xalane

Alshabaab oo Baahisay Qabiilka ninkii labaad ee Weeraray Xerada Xalane

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi horay looga qaaday ninkii labaad ee ka qayb-qaatay weerarkii tooska ahaa 23-kii bishan March lagu qaaday gudaha Xerada Xalane, kaas oo lagu dilay ugu yiraan 6 qof oo u badan ajaaniib.

Ninkan ayaa magaciisa ku sheegay Cabdi Xasan Cabdulle Malaaq (Asad Garaad), wuxuuna kasoo jeedaa Beesha Raxanweyn, gaar ahaan Jilible, sida uu ku sheegay wareysiga.

Cabdi Xasan ayaa sheegay inuu sanadkii 2005-tii ku dhashay deegaanka Ceelgaras oo hoostaga degmada Tiyiglow ee gobolka Bakool.

Wareysiga laga qaaday ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka qeybgalay dagaallo kala duwan oo ka dhacay dalka, ugu dambeyna uu ku biiray kooxda ismiidaamiyeyaasha ah.

Sababta ku kuliftay weerarkan wuxuu ku sheegay in difaacayo Diinta Islaamka, kana soo horjeedo dulmiga lagu haayo dadka muslimiinta ah ee Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aan nafta bixino ilaahey haddii Janno noogu beddalaayo marka adduunkaan waa uga tegaa,” ayuu ku yiri wareysiga laga qaaday ninkaas oo ay sii deysay Andaluus.

Al-Shabaab ayaa horey u shaacisay magaca iyo qabiilka mid ka mid ahaa raggii dhowaan fuliyey weerarkii Xalane, wuxuuna ahaa Maxamed Macalin Axmed oo (Cabdirisaaq-Juleybiib) oo sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Eelaay, gaar ahaan Jufada Geed Fade.

Weerarkaas ayaa dhaliyey khasaare xoogleh iyo burbur, waxaana sidoo kale ka dhashay walaac haatan laga muujinayo amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya

Magaalada Muqdisho oo lagu xiray askari Taraafika ah oo dil u geeystay wade mooto bajaaj

War uu soo saaray Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari kamid ah kuwa ilaalada wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaan kaa oo dil bareer

Hargeysa oo laga Mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha

Guddida Nabadgelyada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa go'aanno ay gaadheen ku mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha, baangadaha iyo wixii la mid ah. Go'aankan ayaa yimid kadib markii dhawaan laba
Ad
Previous articleGuddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo Soo Saaray Liiska Kuraasta Dacwadu ka Taalo
Next articleUhuro kenyata oo Maantay Soo Gaartay Guul Daradii Ugu Waynayd