Home Wararka Maanta Alshabaab oo Askar Hub iyo Gaadiid ay Ku Qabsadeen Dagaalkii Janaay Cabdalla...

Alshabaab oo Askar Hub iyo Gaadiid ay Ku Qabsadeen Dagaalkii Janaay Cabdalla soo Badhigay(Sawiro)

0

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo talaadii ku qaaday xero ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland kaga sugnaayeen deegaanka Janaay Cabadalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa Al Shabaab ugu suurto gashay in ay gudaha u galaan xerada ciidanka ku sugnaayeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho oo labada dhinac kala gaaray.

Al Shabaab ayaana soo bandhigtay sawirro ay kasoo qaadeen xerada ciidanka oo ku dhax sugan yihiin dagaalyahanadooda, waxa ay sidoo kale soo bandhigeen gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo dagaalka ku qabsadeen.

Sawirada Al Shabaab baahiyeen ayaa sidoo kale laga arkayay labo askari oo katirsanaa ciidankii xerada ku sugnaa oo nolosha ku qabteen, waxa ay sidoo kale kooxda Al Shabaab soo bandhigeen sawirada askar ay weerarka ku dileen.

Ad
Previous articleDhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleHoobiye ka haboobay xero Tababar ciidan ka socday oo dad Shacab ah dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here