Home Wararka Maanta Alshabaab Badan oo Xalay lagu Dilay Koonfurta Mudug kadib Dilkii Taliye Suulnuuge

Alshabaab Badan oo Xalay lagu Dilay Koonfurta Mudug kadib Dilkii Taliye Suulnuuge

0

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in isaga oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah uu duqeyn xagga cirka ah oo xalay ka dhacday Gobolka Mudug uu ku dilay 26 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday meel wax yar u jirta deegaanka Jeexjeexa oo in dhawaalaba ay dagaallo ku dhexmarayeen ciidamada dawladda iyo kuwa Al-Shabaab ayay Milatarigu sheegeen in kooxda la weerarray ay gabaad ka dhiganayeen dhufeysyo ay qoteen, balse markii habeenimada la gaaray ay damceen in ay dibbadda u soo baxaan, markaas oo duqeynta lala beegsaday, sida aan ka soo xiganay warbaahinta ciidamada Soomaaliya.

Miltariga ayaa sheegay in dagaalladii shalay ka dhacay aaga deegaanka Caad iyo duqeynta ka dhacday Jeexjeexa lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Iska hor’imaadyadii shalay ka dhacay Gobolka Mudug ciidamada Soomaaliya waxa kaga dhintay sarkaal sare oo la yiraahdo Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abaanduulihii Guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor sida ay baahisay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Al-Shabaab waxay dhankooda sheegeen in dagaalladii shalay ka dhacay Gobolka Mudug ay ku dileen 11 ka tirsan ciidamada dawladda oo ku jiro Abaanduulihii Guutada 18-aad ee Gorgor, mase sheegin dhinacooda tirada uga dhimatay dagaalka.

Ad
Previous articleQaabkee ayuu u dhacay Dilka Taliye Suulnuuge oo koonfurta Mudug Shalay lagu Dilay?
Next articleMiletiraga Itoobiya oo Wacad ku Maray inay Xoog ku Fulin Doonaan Heshiskii Bada ee Ay La Gashay Soomaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here