Home Wararka Maanta Alshabaab Badan oo lagu laayay Duqayn ka Dhacday…

Alshabaab Badan oo lagu laayay Duqayn ka Dhacday…

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay ka dhacday deegaanka Jlib-Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan oo dhacay saaka aroortii hore ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa sheegay in howlgalkan oo weli soo socda lagu dilay ugu yaraan illaa 30 ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ayaa hawlgalkan qorsheyn ka wada deegaanka Jilib-Marka oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo lagu khaarajiyay 30 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan si gaar ah loola bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale gacanta lugu dhigay saanad milatari oo hub ay ku jiraan, kuwaas oo ay lahayd, kooxda, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe.

“Hawlgalkan oo soo bilawday waaberigii hore ee saakay ayey ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ku bartilmaameedsadeen goob ay isku urursanayeen Khawaarijta, kuwaas oo xogtooda la helay, iyadoo gacanta looga dhigay saanad ciidan oo dagaalka loo isticmaalo, sida ay warbaahinta qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha howgalkan qeybta ka ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ayaa xoojiyay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Ad
Previous articleMeydka Dahable oo Maalmo uu Qaboojiye ku jiray Kadib Maantay La Qaaday
Next articleCiidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo markii ugu horreysay dhoolatus weyn uga qayb-galaya dalka dibaddiisa kadib burburkii Dalkeenna(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here