Home Wararka Maanta Alshabaab badan oo la laayay iyo kuwa kale oo nolosha kagu soo...

Alshabaab badan oo la laayay iyo kuwa kale oo nolosha kagu soo qabtay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay howlgal culus si wadajir ah uga sameeyeen aagga degmada Dhoobley ee gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Lafo-gari oo hoostaga degmada Dhoobley, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada ah.

War kooban oo kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda, isla markaana loo gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in nolosha lagu soo qabtay sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Macallin Maxamed, oo ahaa horjoogaha maxkamad beenaad ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka.

“Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay bartilmaameedsadaan xubno sare oo ka tirsan kooxaha Khawaarijta ah. Waxaana lagu khaarajiyey afar xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyaadka khawaarijta, halka gacanta lagu dhigay dhagar-qabe Macallin Maxamed, oo ahaa horjooge maxkamad beenaad ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale weli sii wada howlallada ay ka wadaan aagga degmada Dhoobley, waxaana ujeedka uu yahay in dagaalyahannada Al-Shabaab laga saaro dhulkaasi.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fulisaa weeraro ay ku qaado fariisimaha ciidamada ee ku yaaalla labadaasi gobol.

Ad
Previous articleHanti dhowraha guud ee Qaran Soomaaliya oo isagii Maxakamad looga Yeeray
Next articleMaxaa lagu haystaa Hanti dhowraha Qaranka ee Maantay Maxkamada looga yeeray?