Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo shaacisay magacyada raggii weeraray Buulo Mareer iyo Ajaanib ka mid...

Al-Shabaab oo shaacisay magacyada raggii weeraray Buulo Mareer iyo Ajaanib ka mid noqday

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magacyada shan is-miidaamiye ee dhawaan weeraray saldhiga Buulo-Mareer ee ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda.

Muuqaal ay baahisay kooxda ayaa waxaa kasoo dhex muuqday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee fuliyay weerarkaasi, kaasi oo askar badan looga laayay ciidamada Uganda.

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa khudbad u jeedinaya Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda, kaasi oo kasoo dhex muuqday muuqaalka ay baahisay kooxda, islamarkaana wajigiisa qarisay kooxda sida ay hore u sameysay.

Sidoo kale waxaa kasoo muuqday muuqaalka shan is-miidaamiye oo midkooda Ajnabi kasoo jeeda Kenya uu yahay, waxaana qaraxyada lagu beegsaday saldhiga Buulo Mareer ahaayeen kuwii ugu badna ee is-miidamiyayaal ah.

Is-miidamiyeyaasha Al-Shabaab ee qeybta ka ahaa weerarkaas ayaa intooda badan watay gawaari, waxaana daah-furay oo ugu horeeyay ninka kasoo jeeda Kenya, sida uu muuqaalka ku sheegay.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.

Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, hase yeeshe ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Magacyada is-miidamiyeyaasha ay soo bandhigtay Al-Shabaab ayaa kala ah;

  1. Muxumed Nuur Xuseen (Muusaa)
  2. Nuur Guhaad Bakar (Muniir)
  1. Jacfar Xasan Saciid (Abuu Faatima) oo ah Ajnabiga kaliya ee kamid ah is-miidaamiyeyaasha weerarkii Buulo Mareer
  2. Axmed Macallin Cabdi (Diini)
  3. Muudey Macallin Xuseen (Qac-qacaa)

Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in lasoo Afjaray weerarkii lagu Qaaday Hotel pearal beach ee Xeebta Liido
Next articleAl Shabaab oo shaacisay Sababtii ay u weerareen maqaayada Pearl beach oo Xalay Weerar Culus ku Qaadeen