Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Al Shabaab oo Markale shaacisay Tirada Ciidamada ATMIS uga Dileen Weerarkii...

Al Shabaab oo Markale shaacisay Tirada Ciidamada ATMIS uga Dileen Weerarkii saakay

0

Al Shabaab ayaa shaacisay in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi weerarkii ay saakay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo saakay ku weeraray saldhig ciidamada ATMISĀ  ku leeyihiin deegaanka Ceel-Baraf , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday oo dhaliyay khasaaro kala duwan.

War goordhaw kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in ay soo gabagabeeyeen howlgalkii ay ka wadeen saldhiga ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf, waxa ayna xuseen Shabaab in dagaalkaas guulo weyn ka gaareen.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ku dileen 173-askari oo u dhashay dalka Burundi tiro kale oo badana ku dhaawaceen, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in nolosha ku qabteen qaar kamid ah askartii Burundi.

Waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in dagaalka ku furteen hub kala duwan iyo agab ciidan, waxa ayna shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel-Baraf u fasaxeen in ay bililiqeestaan saldhiga ciidamada ATMIS ee weerareen.

Xaalada deegaanka Ceel-Baraf ayaa hada degan, waxaana saldhigii saakay la weeraray dib ula wareegay ciidamadii ATMIS ee horey ugu sugnaa iyo ciidamo kale oo halkaasi gurmad u tagay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgal.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israaā€™iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israaā€™iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraaā€™id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleXiisad Xooggan oo ka Taagan kursiga HOP141 iyo Dorashadiisa oo Dib loo dhigay
Next articleSababta Loogu Dilay Najma Cabdullahi Hargaysa oo La Shaaciyay