Al-Shabaab oo La Shaaciyay in Laga dilay Ku Dhawaad 1000 Askari Dagaalkii ay Ku Qaadeen Itoobiya

Taliska ciidamada dowlada deegaanka Soomaalida ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey dagaalladii u dhexeeyey ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlada deegaanka Soomaalida General Maxamed Axmed oo markii ugu horreysay warbaahinta macluumaad ka siiyey dagaalladaasi ayaa ka warbixiyey inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.

General Maxamed Axmed ayaa shaaca ka qaaday inay ka dileen illaa 813 xubnood oo ay ku jiraan 24 hoggaamiye, sida uu hadalka u dhigay

“Khasaaraha gaaray 813 nin ayaan tirinay meydadkooda, waxaana ku jiray 24 hoggaamiye oo uu horey lacago u dul-dhigay Mareykanka,” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in dhaawaca uu gaarayo illaa 340, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka ogaadeen deegaanadii la geeyey dhaawacyadaasi.