Home Wararka Maanta Al-shabaab oo ka hadashay weerar ay saaka ku qaaday saldhig ciidamada dowladdu...

Al-shabaab oo ka hadashay weerar ay saaka ku qaaday saldhig ciidamada dowladdu leeyihiin

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay saaka ku qaaday deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose lagu dilay 89 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, halka tobanaan kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta taageerta kooxdaas.

Warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in xero halkaa ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ay ku qaadeen weerar loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Shabaab waxay intaa ku dareen in ay cagta mariyeen saldhigga ay weerarka ku qaadeen hase-yeshee ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijineysa sheegashada Al-Shabaab.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxay sheegeen in malleyshiyaadka Al-shabaab halkaas lagu gaarsiiyay jab weyn, ayna la carareen meydad tiro badan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

Deegaanka Janaay Cabdalle oo ah deegaan muhiim ah ayaa isku xira magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Ciidamo kala duwan oo isugu jira milatariga Soomaaliya kuwa daraawiishta Jubaland, iyo ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa la sheegayaa in ay halkaa ku leeyihiin saldhig weyn.

Bishii Jannaayo ee sanadkaan ayaa ciidamadu halkaa kala wareegeen Al-shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray wadahadalka Al-Shabaab
Next articleAskar ka Tirsan Ciidanka Dowlada oo ku Geeriyootay Dagaaal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho