Home Wararka Maanta Al Shabaab oo iska diiday in loogu yeero Magac cusub oo dowladda...

Al Shabaab oo iska diiday in loogu yeero Magac cusub oo dowladda u bixisay

0

Wasaaradda diinta iyo owqaafta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawwaan qoraal ay soo saartay ku shaacisay in Al Shabaab hadda kadib loogu yeeri doono magaca cusub ee Khawaarij.

Al Shabaab ayaa durba iska diiday kana hortimid magaca cusub ee Khawaarij, waxa ayna kooxda Al Shabaab sheegeen in magacaasi cusub uu ku yahay meel ka dhac uuna yahay micnihiisa koox qalloocan oo xag-jir ah.

Afhayeenka Al-Shabaab Maxamuud Cali Raage (Cali Dheere) oo wareysi siiyay idaacad taageerta Al Shabaab ayaa sheegay in adeegsiga magaca Khawaarij uu qeyb ka yahay dacaayadaha ay dabada ka riixayaan wadaado taageersan dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawwaan bilowday u adeegsada kooxda Al Shabaab magaca Khawaarij, waxaana wasaaradda owqaafta uu wasiir ka yahay Sheekh Mukhtaar Roobow ammar ku bixisay in la joojigo adeegsiga magaca Al Shabaab loona bedelo Khawaarij.

Ad
Previous articleDanab oo sheegtay in Al-Shabaab ay haystaan hal fursad oo kaliya
Next articleDowladda oo Shaacisay in Ciidamada huwanta la wareegeen Wabxo iyo Deegaano kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here