Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo billowday adeegsiga diyaaradaha Drones-ka

Al-Shabaab oo billowday adeegsiga diyaaradaha Drones-ka

0

La-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda gaarka ah ee Ergada Mareykanka ee Qarmaada Midoobey, Danjire Jeffrey DeLaurentis ayaa sheegay in loo maleenayo in kooxda Al-Shabaab ay adeegsato teknoolajiyad casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu fududeeyaan fulinta weerarrada

Danjire Jeffrey ayaa sheegay in isticmaalka teknoolajiyadaas ay sidoo kale kooxda Al-Shabaab ka saaciday soo ururinta xogta sirta ah si ay ugu guuleystaan weerarada ay kusoo qaadan dowladda iyo ciidamada Midowga Afrika.

Hadalkaaan ayuu danjiraha ka sheegay kulan looga arrinsanayay halista joogtada ah ee falalka argagixisannimo ee xudduudaha isaga gudba, waxaana isagoo qoraal ah lagu daabacay bogga safaaradda Mareykanka ee Qaramada Midoobay. Kulankaas wuxuu ahaa mid aan caadi ahayn oo uu yeeshay guddi ka mid ah Golaha Ammaanka

Qoraalka laguma sheegin goorta ay Al-Shabaab billowday adeegsiga qalabkan iyo sida ay ku heshay. Laakiin kooxo ay ka mid yihiin ururka la magac baxay Daacish ayaa la rumeysan yahay inay horey u adeegsadeen diyaaradaha drones-ka si ay u fuliyaan weerarro, sida laga soo xigtay warbixin ay faafiyeen milatariga Mareykanka. Kooxda ayaa diyaaradaha drones u adeegsatay weerarro ay ka fulisay Siiriya, Ciraaq iyo meelo kale.

Horraantii sanadkii 2013, Al-Qaacidda waxa ay isku dayday inay weerar ka fuliso Pakistan, iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aanu duuliyaha la socon ee Drones-ka, balse kuma aysan guuleysan.

“Waxaan aragnay kororka isticmaalka nidaamyada hawada ee aan duuliyaha lahayn iyo adeegsiga teknoolajiyadaha kala nooca ah ee argagixisannimada si loo waxyeelleeyo bartilmaameedyada nugul,” ayuu yiri danjire Jeffrey DeLaurentis

Wuxuu bogaadiyay dadaal uu sheegay in Kenya ay ugu jiro la-dagaalanka argagixisada, isagoo ballan-qaaday in Mareykanku uu sii wadayo taageeradiisa “si dadaallada awood-dhisidda ee la-dagaallanka argagaxisada ay u miro-dhalaan”.

Danjiraha ayaa tilmaamay in dhowaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay warbixintiisa labadii sano ee la soo dhaafay in halista Daacish iyo Al-Qaacidda ay ku sii kordheyso meelo kala duwan oo Qaaradda Afrika ah. Sababta waxaa lagu sheegay in kooxahaas ay ka faa’ideysanayaan dhibaatooyinka iyo qalalaaseyaasha ka jira qaaradda.

Qaraarkii Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu ahaa UNSC 751 ee Guddiga Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya ayuu danjiruhu ku tilmaamay mid fursad wanaagsan u ah wax ka qabashada halista Al-Shabaab.

 

 

 

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay
Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay Xeerka Magacaabista Degmooyin cusub
Next articleDagaal qaraar oo Alshabaab iyo Macawislayda Hiiraan Dhexmaray