Home Wararka Maanta AKHRISO:qodobadii looga hadlay shirka golaha wasiirada ee maanta oo la shaaciyay...

AKHRISO:qodobadii looga hadlay shirka golaha wasiirada ee maanta oo la shaaciyay (Sawirro)

0

Kulan-wadareedka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa galay maalintii labaad, kaasi oo maanta lagu gorfeynayo howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Soomaaliya iyo hay’addaha kala ee dowladda.

Kulanka ayaa waxa furay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, wuxuuna faah-faahin ka bixiyay qoddobada diirada lagu saarayo shirka, kuwaasi oo kala ah; Dib u eegista Dastuurka, Amniga iyo Xasilinta dalka, Cadaaladda & Garsoorka, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qodobada shirka looga hadlayo dood dheer ka yeelanayaan Golaha Wasiirada iyo khubaro qeyb ka ah kulanka oo uu kamid yahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sida qorshuhu ahaa kulan-wadareedka Golaha Wasiirada ayaa lasoo gaba-gabeynayay maanta, hase yeeshe waxa lasoo warinaya in maalinta berrito ah lasoo geba-gabeyn doono, maadama ay weli socdaan doodaha.

Kulan-wadareedka Golaha ayaa lagu xoojinaya sida ay lagama maarmaan u tahay wada-shaqeynta hay’adaha shaqo wadaaga ah, si loo fuliyo adeegyada dowladda ee ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamza oo shalay furitaanka kulanka ka hadlay waxa uu ku adkeeyay Golaha sida ay lagama maarmaan u tahay in maanka lagu hayo dhibaatooyinka is biirsaday ee dalka ka jira, isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay golahan ka sugayaan qorshe cad oo lagu samata-bixinayo bulshada tabaaleysan.

 

 

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleCumur Finish oo Maantay Dhagax Dhigay Mashruuc Reer Muqdisho Mahdiyeen(Sawiro)
Next articleSababta Cumar Filish looga reebay shirkii golaha amniga qaranka ee Muqdisho kasocda