Home Wararka Maanta Akhriso Midowga Musharixiinta oo Sharuud ku xiray Kulanka Farmaajo

Akhriso Midowga Musharixiinta oo Sharuud ku xiray Kulanka Farmaajo

0

Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay kulan xasaasi ah oo dhexmaray xubnaha midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe.

Labada hogaamiye ayaa caawa xubnaha midowga musharaxiinta hordhigay dalab ka yimid Farmaajo, taasoo ka duwan balan ay horey uga qaadeen oo ahayd iney marka hore ka soo dhaadhicinayaan Farmaajo dhibaatada uu muddo kororsigu leeyahay ka hor inta aysan cadeynin mowqifkooda arrintaas ku aadan

Guudlaawe iyo Qoorqoor ayaa markii shirku furmay waxay soo bandhigeen codsi ay ka sideen Farmaajo oo ah inuu kulan la yeesho Musharixiinta, isla markaana uu diyaar u yahay Doorasho in la qabto, arrintaasoo la yaab ku noqotay musharaxiinta.

Shirka ayaa la sheegay iney dood kulul ka dhacday oo Qoorqoor iyo Guudlaawe halkaasi ka difaaceen Farmaajo iyadoo sheegaya in wadahadal lala furo si xal loo gaaro, iyaguna mowqifkooda ka danbeeyo wadahadalka ka dib.

Qaar ka mid musharixiinta shirka ka qeyb galay ayaa ka carooday hab-dhaqanka Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe iyo sida ay u marin habaabinayaan Musharixiinta oo aysan go’aan uga qaadan karin Farmaajo iyo muddo kororsiga.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha shirka caawa ayaa la sheegay inuu isaga baxay kulanka, isagoo Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ku eedeeyey inay ula yimaadeen musharaxiinta fariin aan ka turjumeyn mowqifkii lagu balansanaa

Ilo ku dhow dhow kulankaas ayaa sheegaya in Midowga Musharixiinta ay ku gacan seyreen codsiga Farmaajo ee ah inuu la kulmo, waxayna qaarkood ku xireen shuruud ah inuu marka hore ka laabto muddo kororsiga, kuna laabto Wadahadalka.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleMidowga Musharaxiinta oo diiday Fariin kaga Timid Farmaajo
Next articleGaalkacyo: Ciidanka Puntland iyo Galmudug oo Hawlgalo Qorsheysan ka Fuliyay Magaalada