Guddiga doorashada heer federaal ayaa maalintii labaad wada bixinta shahaadada rasmiga ah ee la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee dhawwaan la doortay.
Xildhibaano badan oo ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa saakay tagay xarunta guddiga doorashada ku shaqeeyaan, waxa ayna xildhibaanadan qaateen shahaadada cadeeneysa in ay xildhibaan yihiin.
Xubnaha saakay qaatay shahaadada Xildhibaanimo ayaa isugu iiray kuwa lagu soo doortay deegaano kala duwan ay ku jiraan Koonfur Galbeed , waxaana xubnmahan isugu jiraan kuwa taabacsan Nabad iyo Nolol iyo kuwa kasoo horjeeday.
Guddiga doorashada heer federaal ayaa ugu baaqay Xildhibaanada labada aqal ee aan wali qaadan shahaadada in ay soo xaadiraan ayna qaataan si aysan mar kale dib u dhac ugu imaan doorashada dalka.
Xildhibaanada saakay qaatay shahaadada ayaa magacyooda kamid ah
1-Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)
2-Shariif Maxamed Cabdalla
3-Hussein Mohamed Nor
4-Abdillaahi Abdi Mohamed
5-Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir)
7- Mohamed Abdullahi Keyse