Home Wararka Maanta Akhriso: Maamulka Galmudug oo ka warbixiyay Duqeyn ka dhacday Gobolka Mudug

Akhriso: Maamulka Galmudug oo ka warbixiyay Duqeyn ka dhacday Gobolka Mudug

0

Wasaarada amniga Galmudug ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay duqeyn ay saaka Ciidamada Maraykanka u geysteen fariisin ay Al-shabaab ku laheyd degaanka Qeycad oo sidoo kale ay saaka ka dhaceen dagaalo.

WAR-SAXAAFADEED

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa saakay weerarro hor leh ku qaaday fariisimaha argagixisada ee aagga Qaycad, ayadoo dagaalka maantay ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha duqaynta geysta ee Ciidamada maraykanka oo gantaal la helay fariisinka qaar ka mid ah amiirada sare ee kooxda Shabaab.

Ilo Alshabaab dhexdooda iyo dadka deegaanka laga helayo ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 50 ka mid ah madaxda iyo maleeshiyaadka argagixisada Shabaab ay halkaas ku la’deen, dhaawacooduna uu kor u dhaafayo 80.

Dadka argagixisada ee duqaynta ku dhintay ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan saddex nin oo ajnabi argagixiso ahaa kuwaasoo la sheegay in ay ahaayeen xeeldheerayaal dhanka qaraxyada iyo dagaalada ku dhufoo ka dhaqaaqda ah ee kooxaha argagixisadu ay adeegsadaan.

Dagaalka ay wadaan ciidamada xaq u dirirka ah ayaa sii xoogaysanaya, waxaana muuqata in hadda ay ku soo biireen saaxiibada Soomaaliya gaar ahaan Maraykanka.

-DHAMMAAD-

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDiyaarado Dagaal oo duqeymo ka Fuliyay Galmudug
Next articleWararka ugu Danbeeyay Xiisada u dhaxeysa Sacuudiga iyo Imaaraadka