Home Wararka Maanta Ajaanib Dhawaan Muqdisho lagu Xukumay oo Xabsiga Laga Siidaayay

Ajaanib Dhawaan Muqdisho lagu Xukumay oo Xabsiga Laga Siidaayay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsi kuyaalla dalka kasii deysay 35-nin oo kaluumeesato kasoo jeeda dalka Iran, kuwaa oo lagu qabtay biyaha Soomaaliya iyaga oo ku jira kalluumeysi sharci-darro ah.

Ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in xabsiga laga sii daayay 35-nin oo bad-maaxiyiin Iran ah , kuwaa uu sheegay in dalkooda hooyo dib loogu celinayo .

Safiirka Iran u fadhiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ali Gholampour ayaa dhankiisa xaqiijiyay sii deysmada bad-maaxiinta kasoo jeeda Iran, waxa uuna sheegay in raggaasi dib ugu laaban doonaan dalkooda.

Soomaaliya ayaa marar kala duwan lagu xiray bad-maaxiyiin kasoo jeeda dalka Iran, kuwaa oo lagu qabtay biyaha Soomaaliya iyaga oo jilaabasho sharci-darro ah ku jiray, waxaana muddo ku xirnaayeen xabsiyo kuyaalla gudaha Soomaaliya

Ad
Previous articleAskari ka Tirsanaa Ciidanka Khaatumo oo Hargaysa lagu Qabtay
Next articleRuushka oo maxkamad soo taagay afar nin oo lagu eedeeyay weerar ay dad badan ku dhinteen oo dalkaasi ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here