Home Wararka Caalamka Ahlam Al-Bashiir oo ka hadashay sida ay u fulisay qaraxii Istanbul &...

Ahlam Al-Bashiir oo ka hadashay sida ay u fulisay qaraxii Istanbul & cida ay ka Tirsabayd soona Tababartay (Sawirro)

0

Saraakiisha Booliiska dalka Turkiga, ayaa shaaciyay xog ku saabsan qarixii Axaddii la soo dhaafay ka dhacay Turkiga iyo wareysi lala yeeshay haweeneyda lagu tuhunsan yahay iney fulisay

Su’aalo la weydiiyay haweenayda looga shakisan yahay weerarka oo ah Ahlam Albashir una dhalatay dalka Suuriya ayey arrimo badan kaga hadashay

Sawirrada howlgalkan dadka lagu qabqabtay ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay saraakiisha Booliska.

Maamulka ayaa shaaciyay in Albashir amarka ay ku fulisay weerarka ay soo qaadatay iyadoo joogta magaalada Kobani ee waqooyiga Suuriya, kadibna ay Turkiga si sharci darro ah ku soo gashay 4 bilood ka hor, iyadoo aadday magaalada Istanbul, halkaasoo ay ka shaqeysay midka mid ah goobaha dharka lagu talo.

Warka laga soo saaray qarixii dhacay ayaa lagu sheegay in haweenaydan ay ku fadhiistay mid ka mid ah kuraas taallay, halka qaraxu ka dhacay mudd 40 daqiiqo ah. Boorso ayay kaga tagtay halkii ay fariisatay daqiiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa, iyadoo in cabbaar ah ka sii maqan goobta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa marka ay goobta ka tagtay in ay aadday Esenler, iyadoo gaari u raacday Küçükçekmece.

Agaasinka Amniga Istanbul, ayaa sheegay in haweenaydan lagu tuhmayo in ay ka dambeysay weerarkii Axaddii dhacay ay Waddada Istiklal ee Taksim Square, gashay iyadoo dhabarka ku wadata boorso, ayna ku fariisatay kursi yaalla halka wax ka dhaceen.

Kaamiradda ayaa laga arkay muuqaalkeeda. Intii ay su’aalaha weydiinayeen saraakiisha booliisku waxay sheegeen in Albashir ay sheegtay in si gaar ah ay tababarro u siiyeen ururada PKK/PYD/YPG, iyadoo si sharci darro ahna ku soo gashay dalka Turkiga oo ay ka soo gashay gobolka Afrin.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in haweenaydan ka hor inta aan la soo qaban ay isku diyaarineysay in ay u baxsato dalka Giriigga.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleSharciga Deganaansha Rasmiga ee Sweden Dadka heesta oo Mid ku meel gaar loogu badali karo ‘Migrationsverket-ka oo ka hadlay
Next articleDowlad goboleedyada oo Xariirka wada shaqeynta Wasaarad ka mid ah federaalka