Home Wararka Maanta Agaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo Shaaciyay Sababtii uubisku Casilay

Agaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo Shaaciyay Sababtii uubisku Casilay

0

Agaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ee dhawaan aan baahinay xogta is-casilaadiisa ayaa maanta soo saaray qoraal uu uga hadlayo arrimaha ku xeeran xil ka tagistiisa.

Xuseen oo xilka agaasimaha guud ee Villa Somalia hayay tan iyo 23 May 2022, ayaa waxa uu sheegay in uu isku casilay damaciisa siyaasadeed ee xilka u sarreeya maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaan uga tagey xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu igu xoogeystay dareen i weheshaday oo ah xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo markii aan in badan dhageystay tallooyinka shacab iyo siyaasiin badan gaar ahaan kuwa deegaanka, garowsadayna in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii ay bulshada reer Koonfur Galbeed u heli lahaayeen is-beddel loo aayo si nabad iyo dimuqraadi ahna ku yimaada.

“Waxaan sii wadi doonaa oo aan gelin doona dadaal aan kala go’ lahayn guud ahaan ka qaybqaadashada dadaallada dowlad dhiska ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u taagan yahay,” ayuu sidoo kale ku yiri qoraalka uu soo saaray Xuseen Sheekh Maxamuud.

Waxa uu ka codsaday bulshada reer Koonfur Galbeed in ay ku garab istaagan arrintaan, isagoo ballan-qaaday in uu hormuud ka noqon doono sidii reer Koonfur Galbeed ay ku heli lahaayeen hoggaamin leh sinnaan, caddaalad, karti iyo ammaano dhinac kasta ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Xasan oo dhameystiran;

Bismillaah,

Marka hore waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in aan si rasmi ah isaga casilay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aan haayay laga soo billaabo 23 May, 2022.

Waxaan marka xigta Alle ka sokow u mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo mas’uuliyaddan ii igmaday, fursadna ii siiyay inaan dalka u adeego. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada kale ee garabka ii ahaa muddadii aan mas’uuliyaddaas haayay.

Muddadaas kooban ee aan haayay xilkan, wuxuu Ilaah igu guuleeyay inaan si hufan u guto waajibaadkayga, is-beddel la taaban karana ku soo kordhiyo Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan hufnaanta maamulka ee xafiiska iyo ku gacansiinta Madaxweynaha siyaasadihiisa ku wajahan dawlad-dhiska Soomaaliya.

Waxaan uga tagey xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu igu xoogeystay dareen i weheshaday oo ah xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo markii aan in badan dhageystay tallooyinka shacab iyo siyaasiin badan gaar ahaan kuwa deegaanka, garowsadayna in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed, taas oo aan aaminsanahay in ay u baahan tahay hoggaan leh lexejeclo, aqoon, ammaano, waayo-aragnimo iyo damiir ummadeed una horseeda deegaankaas horumar dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo mid bulshaba leh, si looga faa’ideysto kheyraadka Alle ku manaystay Koonfur Galbeed islamarkaana ay hormuud ugu noqoto dalka intiisa kale.

Waxaan sii wadi doonaa oo aan gelin doona dadaal aan kala go’ lahayn guud ahaan ka qaybqaadashada dadaallada dowlad dhiska ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u taagan yahay, gaar ahaanna sidii ay bulshada Koonfur Galbeed u heli lahaayeen is-beddel loo aayo si nabad iyo dimuqraadi ahna ku yimaada.

Ugu dambeyn waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed inay garab igu siiyaan xaqiijinta himilooyinkaas aniga oo Alle hortiis ballanqaadaya in aan hormuud ka noqon doono sidii reer Koonfur Galbeed ku heli lahaayeen hoggaamin leh sinnaan, caddaalad, karti iyo ammaano dhinac kasta ah.

Wabilaahi Towfiiq
Ad
Previous articleDeni ayaa sheegay Hal Arin oo dhibaato wayn ku Haysa Maamulka Puntland
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalka Sudaan oo dib uga qarxay magaalooyinka qaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here