Home Wararka Maanta Afwerki oo si adag uga hadlay ciidamadii lagu soo tababaray Eretria iyo...

Afwerki oo si adag uga hadlay ciidamadii lagu soo tababaray Eretria iyo Macawiisleey

0

Madaxweynaha dalka Eretria Asias Afwerki ayaa Wareysi soconayay muddo dheer oo illaa 4 saacadood ah uu siiyay talefishinka qaranka dalkaasi kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo faragelinta shisheeyaha.

Ku dhawaad 30 daqiiqo oo wareysigaas ka mid ah wuxuu ugaga hadlayey xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada iyo amniga Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan loogu tiirsanaan Karin Ciidammo maleeshiyo ah oo uu ula jeedo ciidamada deegaanka ee dhawaan hubka qaatay si ay ula diriraan Al-Shabaab.

Waxaa uu ka hadlay faragalinta shisheeye ee Soomaaliya lagu hayo iyo dib u dhiska ciidamada, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Soomaaliya waxaa looga baahanyahay inay dhisato hay’ado ay u madax bannaan tahay maadama ay tahay waddan xor ah, tan ugu horeysa waa in uu dalku isku dubba rido ciidamadiisa difaaca, ma aha in lagu tiirsanaado maleeshiyaad, waana in isticmaalka maleeshiyaadka laga saaro hannanka dib u dhiska ciidanka”.

“Si taa loo hir geliyo waan in la helo dawlad Soomaaliyeed oo ku taagan cagaheeda isla markaana dejisa oo hubin karta istiraatijiyadda dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo difaaca dalka,” Ayuu sii raaciyey.

Isaga oo ka hadlaya baahida ciidamada difaaca ee Soomaaliya inta ay la egtahay ayaa waxa uu Afwerki sheegay in marka la eego baaxadda dhulka iyo badda ee Soomaaliya aanay ku filnayn shanta kun ee ciidanka ah ee ay dhawaan Eretria u taba bartay Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu faahfaahiyay sida ay Soomaaliya u dhisan karto ciidan qaran oo awood leh, isaga qudhiisuna uu diyaar u yahay in arrimahaas uu ka caawinayo Soomaaliya. Balse wuxuu ka digay in faraglin kasta oo shisheeye ay dib u dhac u keeni karto guusha ciidamada Soomaaliya.

Afwerki oo aaminsan in Soomaaliya ay qabto baahi ciidan oo baaxad leh ayaa sheegay in “ Soomaaliya ay baahan tahay ciidan ay gaar u leedahay oo tiro ahaan gaaraya 140 kun illaa 160 kun,”.

Faragelinta shisheeye iyo ciidanka Soomaaliya

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidankaas loo dhiso qaab ay ku ilaalin karan jiritaanka Soomaaliya iyaga oo aan ka amar qaadaneyn dad ajaaniib ah.

“Waa in loo dhisaa ciidankaasi qaab ay ku ilaalin karaan jiritaanka Soomaaliya, ma aha inay ka amar qaataan dad ajaaniib ah ama ay kasoo jeedaan maleeshiyaad ka kooban qabiillo kala duwan, ama in ay rumaysan yihiin afkaaro kala duwan, waa in ciidanka uu ahaado hay’ad u adeegta midnimada iyo horumarka Soomaaliya, yoolkaasina laguma gaarI karo adeegsiga maleeshiyaadka,” Ayuu yiri Asaias Afwerki , Madaxweynaha Eretria.

Afwerki oo ku sheegay waxa Soomaaliya curyaamiyey inay tahay faragelinta shisheeyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in si loo fara galiyo Soomaaliya lagu marmarsiyoodo dhibaatada aragagixisada, taas oo uga sii darta xaaladda dalka. “Waxaa uga sii daraya xaaladda Soomaaliya faragelin kasta oo uga timaadda gacmaha shisheeye iyada oo lagu marmarsiyoonayo dhibaatada argagixisada ama AL-Shabaab,” Ayuu yiri Afwerki.

Hadalka madaxwenaha Eretria ayaa kusoo aadaya xilli dagaalka ciidamada dawladda Soomaaliya oo garab ka heliaya maleeshiyo beeleedyo la magac baxay macawisleyda ee ay kula jiraan ururka AL-Shabaab uu meel xasaasi ah marayo.

Madaxweynhii Hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Dalka Eretria la galay heshiis ciidammo loogu taba barayo. Ciidamadan oo dhameystirka tababarkoodu uu kusoo aaday xilli Soomaaliya ay ku jirtay ol’ole doorasho ayaa waxaa hadheeyay muran ku aaddan ciidamada oo ku saabsan eedaymo ay mucaaradkii xilligaas soo jeediyeen oo ahaa in ay ka qayb qaateen dagaalkii u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigreega.

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah

Dowlada Somaliya oo ka hadashey isku day dil uu ka badbaaday Madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay ka badbaaday qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay, xilli uu ka baxay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kuna sii jeeday farumaha hore ee

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la
Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo Maantay ka dhacay Laascaanood
Next articleCiidamada Galmudug iyo Alshabaab oo Dagaal culus Dhexmaray iyo Dhul hor leh laga saaray