Home Wararka Maanta Abiy oo shirka Kampala ka jeediyay hadal uga sii daraya xiisadda heshiiska...

Abiy oo shirka Kampala ka jeediyay hadal uga sii daraya xiisadda heshiiska badda

0

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa ka qeyb-galay shir madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Abiy Axmed oo hadal ka jeediyay shirkaan ayaa ku adkeystay damaca dalkiisa ee ku aadan helitaanka bad, xilli uu dhawaan heshiis beenaad caro xooggan dhaliyay uu la saxiixday Somaliland.

Waxa uu sheegay in dalalka aan badda laheyn ee Ethiopia kamid tahay ay ku dhibtoonayaan ka jawaabista dalabaadka dadkooda, taasi oo laga fahmi karo inuu weli ku adkeysanayo damaciisa guracan ee helitaanka bad.

“Dalalka aan badda lahayn waxay ku dhibtoonayaan in ay ka jawaabaan dalabaadka muwaadiniintooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli uu buuq ka taagan yahay heshiiska uu la galay Somaliland, sidoo kalena wuxuu uga sii daraya xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Ethiopia, taasi oo salka ku haysa damaca guracan ee Abiy iyo heshiiskii 1-dii bishaan.

Ethiopia oo wajaheysa culeys la xiriira heshiiskaasi ayaa u muuqata mid aan dhag jalaq u siineyn baaqyada caalamiga ah ee la xiriira xad-gudubka ay Soomaaliya kula kacday, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay muujisay sida ay uga go’an tahay difaaca madax-banaanideeda.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia, iyada oo taageero caalami ah u heshay difaaca dhulkeeda, kadib markii ay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Axmed.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degmo ka Tirsan Xamar
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Nin hubeysan oo shacab ku laayay duleedka BURCO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here