Home Wararka Maanta Abiy ayaa shalay yiri: “Soomaaliya intii ay qarash badan ku bixin lahayd...

Abiy ayaa shalay yiri: “Soomaaliya intii ay qarash badan ku bixin lahayd safarrada ay nagu dacweyneyso dugsi waxbarasho ha uga dhisto Muqdisho”

0

Xaalad siyaasadeed oo kacsan ayaa weli ka taagan Geeska Afrika toddoba bilood kadib markii heshiis is af-garad ah ay wada galeen Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland oo ogolaatay inay qayb ka mid ah xeebaheeda ka kirayso dalka ay deriska yihiin.

Soomaaliya kuma faraxsana heshiiska badda, kaasoo faahfaahintiisa weli mugdi uu ku jiro.

Ugu horrayn, waxa ay aaminsan tahay in heshiiskaasi yahay mid sharci darro ah iyo “fal gardarro ah” iyada oo u aragta in Somaliland oo sheegtay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya 1991-dii ay weli tahay qayb kamid ah.

Waxa kale oo ay Soomaaliya ka carootay wararka sheegaya in beddelka dekeddu ay Itoobiya noqon doonto dalkii ugu horreeyey ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan.

Midowga Afrika iyo Mareykanka labaduba waxay taageereen midnimada dhuleed ee Soomaaliya waxayna ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay qaboojiyaan xiisadda.

Turkiga ayaa hadda faragelin diblomaasiyadeed u fidiyay isagoo isu keenay wufuud ka kala socotay Itoobiya iyo Soomaaliya oo wada-hadallo ku yeelanaya caasimaddiisa Ankara.

Hadalkii kululaa ee ugu dambeeyay ee Abiy Axmed

Raysal wasaaraha Itoobiya Abi Axmed ayaa mar Kale ku celiyay in dalkiisu uu helo bad ay tahay arrin muhiim ah, isagoo xusay in heshiiskii is afgaradka- ahaa ee ay horranatii sanadkaan la galeen Jmahuuriyadda iskeed madax bannanaida ugu dhawaaqada ee Somaliland aanu micnihiisu aheyn in ay su’aal ka galinayaan midinimada Soomaaliya.

Abiy ayaa intaa raaciyay in haddii dowladda Soomliya ay tabsho qabta ay ahayd in iyaga ay kala hadasho halkii ay dalala kale ku dacweyn laheed.

Wuxuu sheegay in arrintaa looga maarmi lahaa in qarasha badan uu dowladda ka baxo.

“Dawladda Soomaaliya haddii ay tabasho naga qabto waxa ku filnayd hal duullimaad iyo kulan qudha oo hal saac ah. Waa wax aad u fudud. Maxaa yeelay xumaan uma haynno Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya, in ay annaga na la hadasho waxa ay ka dooratay in meelo badan ay wareegto oo ay na dacwayso. Waxa aan kula talinayaa lacagta ha daadaadinina. Dal kasta oo aan tagno lacag ayaa innaga khasaaraysa. In lacag la khasaariyo waxa ka wanaagsan in aan samaynno hal kilo meter oo dadku ku lugeeyo ama hal dugsi oo aan Muqdisho ka dhismo oo dadku ka faa’iidaystaan” ayuu yiri Abiy Axmed

Ad
Previous articleBritain oo Maantay yeelatay ra’iisul wasaare cusub
Next articleRag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here