Home Wararka Maanta Abiy Ahmed oo sheegay inuu xisbigiisa musuq maasuq la dagay

Abiy Ahmed oo sheegay inuu xisbigiisa musuq maasuq la dagay

0

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee Barwaaqo, uu xiligan wajahayo dhibaato dhinacyo badan leh, oo ay ugu horeyso tuuganimo, taasina ay caqabad ku tahay horumarkii la hiig sanayey.

Warkani, ayaa waxaa lasoo saaray markii xisbigu soo gebagebeeyey shirkii guddida fulinta ee labada maalmood u socday maalintii Jimcihii, March 8, 2015.

Hoggaanka xisbiga, ayaa waxa uu sheegay in kuwa dalka xatooyada ka wada inay yihiin xubno ku jira dawladdaa, iyo kuwa wax maalgashada, iyo ururo qeyb ka ah warbaahinta.

Guddida fulinta ee xisbiga Barwaaqo, ayaa ka dalbaday madaxda, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga, inay bari ka noqdaan dhaca xoolaha dadweynaha, isla markaana ay la dagaalamaan musuq maasuqa.

Shacabka iyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta, ayaa lagu sheegay in dhibaatada musuq-maasuqa ay ku baaheyso dhinacyo kala duwan oo ka tirsan dowladda dhexe, iyo dowlad goboleedyada.

Dhowr bilood ka hor, dowladda ayaa u waxay dhistay hay’ad ka shaqeysa la dagaalanka musuq-maasuqa, oo ay hogaaminayaan madaxda sare ee dowladda, si loogga hortago musuq maasuqa ka jira hay’adaha iyo kordhinta isla xisaabtanka.

Taasi ayaa waxay keentay in boqollaal qof lagu tuhmo inay ku lug leeyihiin musuq-maasuq, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sarsare oo dawladda ka tirsan markaana la xirxiray, kuwaasoo lahor keeni in maxkamad.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleMaxkamadeynta Imran Khan oo ka bilaabatay Pakistan Xili uu diiday inuu Kasoo dago Gaarigiisa
Next articleFanaanad Aamino Cabdullaahi oo ku geeriyootay magaalada Boorama