Home Wararka Caalamka Abiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay...

Abiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay Bad u hesho

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay baarlamaanka dalkiisa ayaa yidhi: “Itoobiya ma rabto in ay dagaal la gasho Ereteriya si ay marin badeed u hesho.”  Abiy ayaa meesha ka saaray dagaal laga cabsi qabay in uu labada dal ka dhex qarxo.

Sida ay baahisay Al Jazeera, waxa uu sheegay in gaadhitaanka Badda Cas ay muhiim u tahay dalkiisa aan badda lahayn, haddana ay rabaan in ay si nabad ah oo wadahadal ku dhisan ku gaadhaan.

Xiisadda cusub ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Ereteriya ayaa dhalatay kaddib markii dowladda Ereteriya ay abaabul ciidan oo ballaadhan samaysay, isla markaana labada dal ciidamadooda kusoo daadgureeyeen xuduudda ay wadaagaan.

Sida la sheegay, waddanka Ereteriya ayaa cabsi ka qaaday hadallo muddooyinkii dambe si weyn loogu baahinayay baraha bulshada, kuwaasoo ay saraakiil iyo shacab Itoobiyaan ah ku sheegeen in Itoobiya ay xoog ku qabsan doonto dekedda Casab si ay u hesho marin badeed.

“Ereteriya waxa ka yaabiyay hiigsiga lunsan ee wakhtigiisu dhacay ee Itoobiya, kaasoo ay ku doonayso in ay xoog ama xeelad mid uun ku hesho marin iyo saldhig badeed,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Ereteriya, Yemane Gebremeskel, sida ay baahisay Al Jazeera.

Itoobiya ayaa horraantii sannadkii 2024 heshiis is-afgarad ah oo ay marin badeed ku helayso la gashay Somaliland, balse heshiiskaasi wuu burburay kaddib cadaadis kaga yimid dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka. Haddaba, shacabka Itoobiya ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan dekedda Casab ee Ereteriya, kaddib markii uu burburay heshiiskii Somaliland.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa wadahadallo ay ku doonayso marin badeed kula jirta Soomaaliya, inkasta oo Muqdisho ay sheegtay in aanay Itoobiya la geli doonin wax ka badan heshiis ganacsi.

Raisal Wasaare Xamze oo la kulmay Bulshada Gobolka Sanaag

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku

Dowlada Somaliya oo soo Dhaweesay Tageerada Dowlada Somaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Soomaaliya. Lataliyaha

Ciidanka Amniga Muqdisho oo loo Gacan galiyay Nin Dil Geestay

Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale

Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya inay ula dhaqmaan maamulka SSC-Khaatumo si lamid ah maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka

Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah

Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay munaasibad balaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland nabad iyo
Ad
Previous articleGudiga Doorashada Somaliya oo Sheegay in Bisha June La Qabanayo Doorasho Qof iyo Cad ee Dowladaha Hoose
Next articleSirdoonka NISA oo Sheegay in Xubno ka tirsan Shabaab lagu dilay Sabiid iyo Caanoole