Warar aan helayno ayaa sheegaya in ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ay caawa gacanta ku dhigeen Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan Abwaan Jeesto, kaas oo Baraha Bulshada ku faafiyay qoraallo uu ku taageerayo Kooxda Alshabaab iyo fikirka xagjirnimada, kuna dhaleeceynayo dowladnimada Soomaaliyeed.
Maxamuud oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Muqdisho ku joogtay summadda suugaanta, waxaana uu noqonayaa qofkii labaad ee dhallinyaradaas ah lala xiriiriyi fikirka kooxda Alshabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ku joogay Muqdisho la shaaciyay inuu aaday ASlshabaab oo uu go’aansaday inuu ku biiro, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay buugg uu qoray.