Home Wararka Somaliya Galmudug Abaara xoogan oo ka jira Galmudug iyo dad u geeriyoodeen abaaro owgeed

Abaara xoogan oo ka jira Galmudug iyo dad u geeriyoodeen abaaro owgeed

0

Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in Abaaro ba’an oo ay dad u geeriyoodeen qeybo ka mid ah koofurta Gobolka Mudug iyo qaybo ka mid ah Gobalka Galgaduud.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka mudug ee Galmudug, Axmed Maxmed Shire Qoodaar ayaa Warbaahinta u sheegay inay jirto dhimashada lix qof oo ah dadkii ay abaartu saamaysay.

Dadka u geeriyooday abaarta ba’an ee ka jirta Galmudug ayuu sheegay inay intooda badan kusoo dhinteen dhexda xilli ay kusoo jeedeen magaalada Gaalkacyo qaarna ay iyagu gacmahooda ku aaseen, wuxuuna xusay in dadka qaar ay la il daran yihiin xanuunno ka dhashay nafaqa darrada haysata.

Dadka kasoo hayaamay dhulka miyiga ee ay abaartu ka laysay xoolihii ay dhaqanayeen ayuu sheegay guddoomiyuhu inay qaarkood 12 cisho soo lugeynayeen, iyagoo nolol usoo raadsanaya magaalooyinka ay ugu horreysa Gaalkacyo iyo degaannada ku xeeran, kuwaasoo qaarkood ku biiray xeryaha barakacayaasha, halka qaar kalena ay dul-saar ku yihiin eheladooda.

Maamulka Galmudug ayaa wada dedaallo biyo dhaamis loogu samaynayo dadka ay saamaysay abaarta ba’an ee ka jirta degaannada Mudug iyo Galgaduud.

Ad
Previous articleHalkuu ku dambeeyay khilaafkii Soomaaliya iyo jabuuti ?
Next articleAkhriso Magacyada Xildhibaanada lagu dooranayo Kismaayo ee xalay lagu dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here