Home Wararka Maanta Aadan Barre Ducaale oo Xilsare loo magacaabay

Aadan Barre Ducaale oo Xilsare loo magacaabay

0

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta ku dhowaaqay qaar ka mid ah xubnaha golaha cusub ee wasiirrada ee dalkaaasi.

Xidhibaan Aadan Barre Ducaale oo Soomaali ah ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga Kenya, halka Alfred Mutua uu ka noqonayo wasiirka arrimaha dibedda, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Aadan Barre ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweyne Ruto, wuxuuna si xooggan ugala shaqeeyay ololihiisa doorashada ee guusha ku dhammaaday 9-kii August markii ay dhacday doorashada madaxweynaha.

Xubnaha kale ee golaha wasiirrada waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo waarshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada.

Mr Mudavadi ayaa noqonaya sarkaalka ugu sarreeya xukuumadda kadib madaxweyne William Ruto iyo madaxweyne ku-xigeenka Rigathi Gachagua.

Xubnaha kale ee dowladda ayaa waxaa ku jira wasiirka warfaafinta oo loo magacaabay Eliud Owalo, Ezekiel Machogu oo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, wasiirka beeraha iyo xoolaha oo laga dhigay Mithika Linturi iyo Davis Chirchir oo noqonaya wasiirka tamarta.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaan ku jirin qof kale oo Soomaali ah marka laga reebo Aadan Ducaale, mana caddaa xubno kale ay dhiman yihiin, ama wasiir ku-xigeenada lagu soo dari doono.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Degmada Cadale kula afuray Madax kala duwan iyo Saraakiil:- Sawiro

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee

Caasimada Khartuum inteeda badan oo laga saaray Kooxda RSF

Taliyaha ciidamada Sudan, Jen. Cabdi Fattax Al-Burhan ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inay milatariga la wareegeen gacan ku heynta caasimadda Khartuum Talaabadan ayaa noqonaysa guushii ugu sarreysay oo milatariga

Kooxda Shabaab oo lagu arkay inta u Dhaxeysa Muqdisho iyo Afgoye:- Sawiro

Shacabka Muqdisho ayaa caawa si aad ah u hadal haya xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gabal dhicii maanta lagu arkay wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye Waxay halkaas isugu keeneen

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay
Ad
Previous article9 Dhallinyaro oo kasoo baxsaday Magafayaasha Liibiya oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)
Next articleCiidamada Dowlada oo Maantay markale Alshabaab kala Wareegay Dhowr Magaalo(Sawiro)