Home Wararka Maanta 9 Dhallinyaro oo kasoo baxsaday Magafayaasha Liibiya oo Muqdisho laga soo dejiyay...

9 Dhallinyaro oo kasoo baxsaday Magafayaasha Liibiya oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

0

Xafiiska Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ayaa ka shaqeeyay in dalka dib loogu soo celiyo 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Liibiya muddo sanooyin ah, kuwaas oo gacanta ugu jiray kooxaha dadka tahriibiya.

Dhallinyaradan oo xiriir la sameeyay Safarradda Soomaaliya ee Liibiya ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ay ku soo dhaweysay Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta u qaabilsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal dheer ugu jirtaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanniban xabsiyada dalalka adduunka ay dib ugu soo celin lahayd dhulkooda hooyo islamarkaana ay dib ula midoobi lahaayeen qoysaskooda iyo ehelada ay kala irdhoobeeen.

Dalka Liibiya xabsiyo kuyaalla waxaa siyaabo kala duwan ugu xiran boqolaal dhallinyaro oo Soomaaliya ah,kuwaa oo badankood gacanta ugu jira kooxaha loo yaqaan magafayaasha oo madax furasho ahaan u heesta.

Ad
Previous articleIran: 75 qof oo ku dhintay dibad-baxyada ka dhashay dilkii Mahsa Amini
Next articleAadan Barre Ducaale oo Xilsare loo magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here