Home Wararka Maanta “Aad ayaan ugu hanweynahay inaan go’aankan weyn ka qaato noloshayda.” Cristiano Ronaldo...

“Aad ayaan ugu hanweynahay inaan go’aankan weyn ka qaato noloshayda.” Cristiano Ronaldo oo lagu soo dhoweeyey garoonka kooxda Al-Nassr ee Riyadh (Sawirro)

0

Cristiano Ronaldo ayaa diiday dalabyo looga soo bandhigay meelo kale oo ku aadan mushaarka sare ee Sacuudiga ka diob markii uu heshiis la galay kooxda Al Nassr Talaadadii.

Ronaldo ayaa sheegay inuu diiday “kooxo badan” oo adduunka ku baahsan kuwaasoo sheegay iney siin doonaan qiimo la mid ah kan uu ka qaadanayo kooxda Al Nasr oo gaaraya ilaa 200 milyan oo doolar sanadkii.

Madaxweynaha Al Nassr Musalli Almucammar ayaa sheegay in Ronaldo uu u qalmo qiimaha lacageed ee uu qaadan doono.

“Waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta sidaas darteed waa wax iska caadi ah inuu noqon doono kan ugu sarreeya marka loo eego kharashka ama mushaharka,” ayuu yiri Almuammar “Tani waa wax uu runtii u qalmo, qadarka lacagta uu qaadan doono” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ronaldo waxaa lagu soo bandhigay kumanaan taageereyaal ah oo ku sugnaa Al Nassr’s Mrsool Park ee magaalada Riyadh.

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Real Madrid iyo Juventus ayaa ka ciyaari doona Saudi Pro League ka dib markii uu diiday dalabyo uga yimid Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo meelo ka baxsan.

“Aad ayaan ugu hanweynahay inaan go’aankan weyn ka qaato noloshayda. Yurub dhexdeeda shaqadaydu way dhammaatay. Wax walba waan ku guuleystay, waxaana u ciyaaray kooxaha ugu muhiimsan Yurub. Tani waa caqabad cusub,” ayuu Ronaldo ka sheegay shir jaraa’id.

37-jirka reer Portugal, kaasoo ku guuleystay shan abaal-marinno Ballon d’Or ah ciyaaryahanka ugu fiican adduunka iyo shan horyaal oo Champions League ah, ayaa markii ugu horreysay xirfaddiisa ciyaareed ka ciyaari doona meel ka baxsan Yurub.

“Qofna ma garanayo tan, laakiin waxaan fursado badan ku helay Yurub, Brazil, Australia, US, xitaa Portugal, kooxo badan ayaa isku dayay inay ila soo wareegaan. Waxaan rabitaankayga siiyay kooxdan,” ayuu Ronaldo ayaa hadalkiisa raaciyay. “Waxaan rabaa inaan aragti ka duwan ka bixiyo dalkan iyo kubadda cagta. Tani waa sababta aan fursadan uga faa’ideystay.”

Ronaldo ayaa qandaraaskii uu kula jiray United la joojiyay bishii November ka dib markii uu bixiyay wareysi TV ah oo qarxa kaas oo uu ku dhaleeceeyay tababare Erik ten Hag iyo milkiilayaasha kooxda, qoyska Glazer.

Al Nassr, oo 18 jeer ku guuleystay horyaalka Sacuudiga, ayaa dalab u soo jeediyay intii lagu jiray Koobka Adduunka, kaasoo lagu qabtay Qatar bilihii November iyo December. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska lama xaqiijin ilaa 30 Dec.

Ronaldo ayaa u duulay garoonka diyaaradaha ee King Khalid International Airport ee magaalada Riyaad, halkaas oo isaga iyo qoyskiisa ay ku soo dhaweeyeen taageereyaal, ka hor inta aanu tijaabada caafimaadka ku marin.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Weerar Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Gaystay oo Goor Dhow Ka Dhacay Gaalkacyo
Next articleWararkii ugu danbeeyey Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Weeraradii Qaraxyada ahaa ee Lagu qaaday Degmada Maxaas(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here