Home Wararka Maanta Aabaha qoyska: ‘gabadhii quraacda ii waday xitaa wa ay ku dhimatay’

Aabaha qoyska: ‘gabadhii quraacda ii waday xitaa wa ay ku dhimatay’

0

Waagu wuxuu ugu baryey si nabad qab ah, subaxiii hore odayga qoyska – Xaamud Qaadi Maxamed, wuxuu u aaday beertiisa oo ku taalla tuulada Balow oo hoostagta degmada Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose, laakiin qoyska sidii ay ku waabariisteen kuma barqaysan.

Abaaro tobbankii barqanimo shalay ayaa hoobiyo ku dhacay gurigooda iyadoo inta badan qoysku ay ku sugan yihiin.

Aabe Xaamud Qaadi Maxamed, wuxuu ka yimi beertiisa oo ku taalla Buula balow, markii uu soo istaagay gurigiisa oo gabadh uu awoowe u yahay usoo dhigtay quraac ayaa hoobiyuhu haleeyey qoyska.

Xaamud, ayaa BBC-da u sheegay in waxaa meeshaa ka dhacay ay ahaayeen masiibo qoyskiisa haleeshay ku habsatay.

“Markii ay quraacda iisoo dhigtay miiska hortayda yaallay ayaa hoobiyu soo dhacay, saddex carruura halkaa ayey ku dhinteen oo wali waa googo’een, gabadha cunada ii keentay waa ay dhimatay, aniga dhaawac ayaa isoo gaaray” ayuu yiri Xaamud.

Shan ka mida qoyska ayaa geeriyooday, shan kale oo ay ku jirto hooyada dashay afarta carruurtaa ee geeriyooday ayaa qaba dhaawacyo darran kuwaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho oo dhaawacooda la geeyey..

Arrinta argagaxa leh ayaa ah in dadka dhintay u ku jiray ilmo yar oo sanad jir ah oo sida qoysku noo sheegeen naaska nuugayey.

Xaalada dhaawacyada ee qoyska.
Sida uu BBC-da u sheegay Xaamud Qaadi, shanta qof ee dhaawaca oo isagu ka mid yahay ayaa xaaladooda caafimaad ay kala duwan tahay.

“Aniga ayaa ugu fiican dadka dhaawaca ah, kuwa kale xaaladoodu aad ayey u liidataa, waxaana lagu hayaa qaybta daryeelka deg dega ah ee ICU-da “ ayuu si dareen leh u yiri Xaamud.

Barwaaqo Xaamud Qaadi, oo ahayd hooyada qoyska ayaa qabta dhaawac darran oo u badan firir dhanka madaxa iyo uur ku jirta ah sida uu BBC-da u sheegay maamulka Isbitaalka lagu daweynayo.

Seynab Xaamud Qaadi, ayaa iyana uu gaaray dhaawac, waxaa la gooyey labadeeda lugood.

Dhaqaatirta la tacaalaysa dhaawacyadooda ayaa BBC-da u sheegay in dhaawacyo argagaxleh ay ka muuqdaan qoyska basle ay ku dadaalayaan sidii loo samatabixin lahaa.

Sida ay qoysku u sheegeen BBC-da, waxay rumaysan yihiin in dhacdadan ay sababtay ka dib dagaal ka dhacay degmada Bariire ee gobolka shabeellada dhexe kaas oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka Al-shabaab.

Qoyska labaad ee hoobiyaashu haleeleen
Marka laga soo tago qoyskan, waxaa jiro qoys kale oo iyana hoobiyaashu ay waxyeelo gaarsiiyeen kuwaas shan carruura iyaga ay ka geeriyoodeen.

Qoyska Ibraahim Siidow Mustaf, ayaa iyaguna waxyeelo ka soo gaartay hoobiyasha ku dhacay deegaanka Balow.

Ibraahim, ayaa BBC-da u sheega in hoobiyaasha ugu geeriyoodeen afar carruura oo uu dhalay, xaaskisa, hooyadii, aabihii iyo halkii gabar ee u hartay ayaa iyaduna dhaawac daran qabta.

“Waxaan jiray beeraha, markii an imi gurigiina waxaa arkay Maydka carruurtayda afar dhintay oo barxada guriga yaalla ,midkii haray oo dhawac iyo xaaskayga o iyaduna daran, waan argagaxay runtii, laakiin waxaan isku dayey inaa dhaawaca la soo aado Muqdisho, xitaa ma aasin kuwii dhintay ee dariska iyo dadkii halkaa joogay ayaan dhahay aasa” ayuu codkiisa oo heesaya ku yiri Ibraahim.

Wuxuu intaa ku daray in hadda uu kor fadhiyo inta ka nool qoyskiisa oo dhaawac darran qaba.

Hoobiyaasha ku dhacay qoysaska si rasmi ah looma xaqiijin cida soo tuurtay iyo jihada uu ka soo dhacayba.

Bariire oo ah degmo istaariijiya ayaa inta badan dagaalo ku dhexmaraan ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab, dagaalkii ugu danbeeyey ee shalay ka dhacay halkaas ayaa la sheegay in dagaalyahano ka tirsan al-shabaab ay weerareen saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Saldhiga la wareeray waxa ciidamada dowladda Soomaali dhawaan ku wareejiyey ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda.

Waa dhacdadii ugu weynayd sida dadka deegaanka ay noo sheegen in halmar ay ku dhintaan dad rayida waayadii danbe.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Si cara leh u Beeniyay War Itoobiya Ka Faafisay Soomaaliya
Next articleRwanda oo Diiday inay celiso lacagtii lagu siiyay qaxootiga laga keenayo UK kadib Markii Uu burburay…