Home Wararka Maanta Guddiga Doorashada oo beeniyay Warqad qoraal ah oo Lagu baahiyay Baraha Bulshada

Guddiga Doorashada oo beeniyay Warqad qoraal ah oo Lagu baahiyay Baraha Bulshada

0

Waxaa dhowr daqiiqo kahor baraha Bulshada lagu faafiyey Warqad lagu sheegay inay kasoo baxday Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa heer dowlad Goboleed laguna joojiyay doorashooyinka dalka.

Hayeeshee Qoraal kooban oo lagu soo daabacay Bogga Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa been abuur lagu tilmaamay warqadan lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegayo in Guddiga FEIT iyo SEIT ay hakiyeen doorashada.

Sidoo kale Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa Bulshada Soomaaliyeed u caddeeyay in aysan qayb ka ahayn warqadan oo dhawaan baraha bulshada lagu faafiyay,  ayna wax shaqo ah aysan ku lahayn.

Warqada la beeniyey ayaa waxaa ku qornaa in Guddiyada doorashoyinka heer Maamul goboleed (SEIT) iyo heer Federaal (FEIT) ay dacwo u gudbiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Warqada ayaa lagu sheegay in si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay Guddiga xalinta khilaafaadka, isla markaasa waxay shaqeeyeen in loo geystay tacadiyo ka dhan ah amnigooda.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleBoliiska Soomaaliya oo xiray dad lagu eedeeyay inay dhaawacyo gaarsiiyeen shaqaala Turki ah
Next articleShir looga hadlay amniga oo Maanta ka dhacay Galkacyo