Home Wararka Maanta Hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Liibiya oo Kulan Muhiim ah yeeshay (Sawiro)

Hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Liibiya oo Kulan Muhiim ah yeeshay (Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed ka tirsan Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika la qaatay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya Mudane Maxamed Yuunis Al-menfi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Liibiya iyo sidii ay Labada Dal uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinacyada isu socodka, amniga iyo siyaasadda.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Liibiya sidii uu gacan uga gaysan lahaa xorriyad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya, iyaga oo Labada dhan ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Liibiya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u diraysa guddi gaar ah xaaladda muwaadiniinta ku xiran Dalka Liibiya. Guddiga ayaa u kuurgali doona, kana soo war-bixin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin Muwaadiniinteennu.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleXafiiska Xeer ilaalinta oo Amray in la xiro Ganacsato Lagu Soo Eedeeyay….
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Turkiga (Sawiro)