Home Wararka Maanta Muqdisho waxay gashay Xaalad xun Maalin kastana waxaa ka Soo yeeray Dhawaaw...

Muqdisho waxay gashay Xaalad xun Maalin kastana waxaa ka Soo yeeray Dhawaaw xun

0

Xaalada Muqdisho ayaa noqotay mid Halis ah oo Cabsi Hor Leh ku abuurtay Bulshada waxaana Maalin walba dhegaha Maqalka ku Soo dhacaya dhawaq aan wanaagsaneen.

Maanta Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenleey gobolka Banaadir Maanta ku dilay Haweeneey ay xaafadaas deris ka ahaayeen.

Haweeneeyda la dilay oo lagu Magacaabi jiray Faaduma Cali Cismaan ( Faay Beeso) ayaa korineysay sida dadka Deegaanka ay sheegeen ilma Agoon ah, waxaana askariga dilay ay ahaayeen deris isku xaafad ahaa.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta la wadaagay in sababta dilka ay ka dambeysay kadib markii Haweneyda Carruurteeda uu wadada ku ciyaaraya uu qoray ku taagay, hayeeshee, iyada oo dooneysay inay u dacwooto Sarkaalka Askariga xukumayay, uu askarigiiu Haweeneyda ku dilay.

Qaar kamid ah Ehellada Haweeneyda la dilay ayaa waxaa ay sheegeen in ay aheyd mid la tacaasha Nolol maalmeedka Carruurteeda, isla markaana uu u dilay Askariga si xaqdaro ah.

Waxaa ay ugu baaqeen laamaha amniga dowladda Soomaaliya in ay gacanta kusoo dhigaan Askariga dilka geystay oo Goobta ka baxsaday, kaas oo laamaha amniga Soomaaliya ay ku raad joogaan.

Ad
Previous articleKiisaska Carona ee Soomaaliya oo sii Kordhaya
Next articleFaah Faahino ku saabsan Haweeney Lagu dilay Deegaan Hoostaga Caabudwaaq