Home Wararka Maanta Guddiga Doorashada KGS oo diiday in la kansalo Kursigii Loo diiday Gudoomiye...

Guddiga Doorashada KGS oo diiday in la kansalo Kursigii Loo diiday Gudoomiye Jawaari

0

Yuusuf Maxamed Kheyre (Guurow) oo katirsan xubnaha guddiga doorashada heer federal u qaabilsan Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay go’aan guddiga doorashada kasoo baxay oo lagu laalay natiijada doorashada labo kursi oo lagu doortay magaalada Baydhabo.

Mr Guurow ayaa sheegay inuusan waxba kala soconin go’aanka gudiga doorashada ay gaareen, isagoo sheegay in aanay jirin wax muran ah oo ka taagnaa labada kursi ee lagu doortay magaalada Baydhabo.

Wuxuu ku tilmaamay go’aanka arrin lagu fududaaday oo meel ku dhac ah guddiga, wuxuuna sheegay in ay go’aankaas qaateen xubno kamid ah guddiga.

Wuxuu sheegay labada kursi ee la doortay in ay go’aan ka gaareen qabiilada iska leh kuraastaas islamarkaasna wuxuu sheegay in aysan jirin cid kale wax ka bedeli karta natiijadii hore.

Hadalka kasoo yeeray Mr. Guurow wuxuu muujinayaa in guddiga doorashada heer federal iyo guddiga doorashada Koonfur galbeed uu ka dhex taagan yahay khilaaf xooggan oo saamayn ku yeelan kara habsi socodka doorashada.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleShir looga hadlayo Caqabadaha Dowladda oo Maanta ka furmaya Muqdisho
Next articleDowladda Shiinaha oo Muqdisho ka soo dajisay Daawo ku saabsan COVID-19